Xasan Sheekh oo Masar kaga qeyb galaya shir heer sare ah oo Afrika looga hadlayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galaya kulan ka dhacaya magaalada Al-Caalameyn ee dalka Masar, halkaas oo 2 ilaa 4 Oktoobar lagu qabanayo munaasabadaha heerka sare ah ee Afrika. MogadishuLocal News

Munaasabadaha waxaa ka mid ah Madasha Afrika ee Al-Caalameyn (Alamein Africa Forum), shir ay yeelanayaan dalalkii aasaasay Hay’adda Horumarinta Midowga Afrika (AUDA-NEPAD) iyo Shirka 8-aad ee Isku-duwidda Bartamaha Sanadka ee Midowga Afrika.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, waxaa kulamada ka qeyb galaya madaxda Afrika, wasiirro, mas’uuliyiin sare, wakiillo ka socda shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha maaliyadda iyo maalgashiga.

Ajandaha ugu weyn ayaa diiradda lagu saarayaa isdhexgalka dhaqaale ee Afrika, horumar waara, maalgashi, ganacsi iyo xoojinta iskaashiga dowladaha iyo ganacsatada Afrika.

Madasha Al-Caalameyn ayaa sidoo kale lagu soo bandhigi doonaa mashaariic waaweyn, fursadaha maalgashi, qaybaha wax-soo-saarka iyo shirkadaha Afrika, iyadoo la doonayo in la fududeeyo xiriirka tooska ah ee dowladaha, ganacsatada, maalgashadayaasha iyo hay’adaha maaliyadeed.

Go’aanka lagu qabanayo Madasha Afrika ee Al-Caalameyn labadii sanaba mar waxaa ansixiyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika bishii Febraayo 2026, iyadoo Masar ay madasha ku qabanayso iskaashi dhow oo ay la leedahay Bangiga Dhoofinta iyo Soo-dejinta Afrika (Afreximbank).

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles