Putin oo muujiyay rajada ah in Marinka Hormuz dib loo furo.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa muujiyay rajada ah in Marinka Hormuz uu u sii furnaan doono maraakiibta ganacsiga, isla markaana cunaqabateynta lagu soo rogay Iiraan ugu dambayn laga qaadi doono.

Sida ay sheegtay Reuters, Putin wuxuu koox khubaro Ruush ah u sheegay in dalabkii dalkiisu ku doonayay in uu Iiraan ka qaabilo uranium-ka la hodmay uu weli jiro, haddii macdantaasi laga saaro dhulka Iiraan.

Khudbaddiisa uu ka jeediyay kulanka, Madaxweynaha Ruushku wuxuu sidoo kale sheegay in Moscow ay taageersan tahay in dhammaan arrimaha lagu xalliyo si nabad ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles