MW Xasan Sheekh oo Warqadaha Danjirenimo ka Guddomay Safiiro Cusub.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARQADAHA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRRADA CUSUB EE TURKIGA IYO MIDOWGA YURUB
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee Jamhuuriyadda Türkiye Mudane Ferhat Alkan iyo Midowga Yurub mudane László Máthé, kuwaasi oo si rasmi ah u bilaabaya waajibaadkooda diblomaasiyadeed ee dalka.
Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha la wadaagay horumarka iyo guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dimuqraadiyeynta, dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo xiriirka labada dhinac, si loo gaaro himilooyinka wadajirka ah.
Dhankooda, Danjireyaasha aya Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriimo ay ka sideen madaxdooda, iyaga oo bogaadiyay horumarka iyo guulaha Soomaaliya ay ka gaartay dowlad-dhiska, amniga iyo horumarinta dalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles