Maamulka Gudigga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa bilaabay tirinta codadka doorashooyinka labada Maamul ee Hirshabeelle iyo Galmudug,kadib markii maqribnimadii xalay la soo xiray goobaha codbixinta.
Doorashooyinkaan oo ahaa kuwo isku sidkan waxaa lagu doortay golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada ee labada Dowlad Goboleed.
Maamulka Hirshabeele, 103-goobood oo ka tirsan 10-degmo ayeey ka dhaceen doorashooyinka,waxaana ka codeeyay 152,763-oo codkooda siiyay 14-urur siyaasadeed.
Doorashooyinkii ka dhacay Galmudug waxaa lagu qabtay 178-goobood oo ka tirsan 11-degmo,iyadoo ay ka codeeyeen 267, 420 qof oo u codeeyay 12 urur siyaasadeed.
Maamulka Gudigga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa sheegay in dhowaan lagu dhawaaqi doono natiijada doorashooyinka ee isku sidkan.




