Thursday, May 14, 2026

DFS oo shuruud adag ku xirtay qaadashada Baasaboorka Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa soo saartay bayaan, kaas ooa y ku wargelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in laga bilaabo 1-da bisha Luulyo 2026, qofka aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ama shahaadada lagu sugto Kaarka Aqoonsiga (NIRA), uusan codsan karin Baasaboorka Soomaaliya.

“Sidaa darteed, qof kasta oo aan weli qaadan Kaarka Aqoonsiga waxaa lagu boorinayaa in uu si deg deg ah u bilaabo qaadashada iyo codsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegtay in muwaadiniintaay ogeysiinayaan in dukumintiyada lagu dalbado baasaboorka ay noqon doonaan nuqullada koobiga ah (copies), halka nuqullada asalka ah dib loogu celinayo codsadaha baasaboorka laga bilaabo 13ka May 2026.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles