Waxaa maanta markale lagu wadaa in kulan xasaasi ah uu ka furmo xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, xubno ka socda siyaasiyiinta mucaaradka iyo sidoo kale wakiillo ka socda beesha caalamka.
Kulankan ayaa imaanaya kadib markii shirkii shalay ay yeesheen dhinacyada uu kusoo dhammaaday isfaham la’aan, iyadoo aan wax natiijo rasmi ah laga gaarin qodobadii ugu muhiimsanaa ee la isku hayay.
Dhinacyada ayaa maanta dood adag ka yeelan doona arrimaha doorashooyinka, iyadoo muranka ugu weyn uu ka taagan yahay nooca doorasho ee dalka lagu geli karo xilligan.
Mucaaradka ayaa ku doodaya in aan la guda geli karin doorasho qof iyo cod ah iyadoo aan marka hore heshiis siyaasadeed oo qaran laga gaarin dastuurka, maamulka doorashooyinka iyo xaaladda amniga dalka.
Kulamada socda waxaa dhinaca mucaaradka uga qeybgalaya siyaasiyiin miisaan culus ku leh siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Labada mas’uul ayaa horey dhowr jeer uga digay in dalka loo horseedo qalalaase siyaasadeed haddii aan la helin hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.
Sidoo kale, mucaaradka ayaa maanta miiska soo dhigi doona nooc doorasho oo ay doonayaan inay dalka ka dhacdo, inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh uusan ku qanacsanayn dalabkaasi.
Madaxweynaha ayaa ku adkeysanaya in la sii wado qorshaha doorashooyinka qof iyo cod, taas oo mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada ay u arkaan arrin u baahan heshiis siyaasadeed oo ballaaran.
Dhanka kale, wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan safiirrada Mareykanka iyo Ingiriiska ee Soomaaliya, ayaa si weyn ugu lug leh dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee taagan.




