Thursday, May 7, 2026

Soomaaliya oo safiir aan joogto ahayn ku yeelanaysa Tunisia

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Danjire Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego), ahna Safiirka aan degganayn ee dalka Tunisia, ayaa maanta si rasmi ah nuqulka waraaqaha aqoonsiga danjirenimo waxaa ka guddoomay Wasiirka Arrimaha Dibadda Tunisia, Mudane Maxamed Cali Al-Nafti.
Munaasabaddan oo ka dhacday xarunta dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tunisia ayaa ku qabsoontay jawi sharaf iyo soo dhaweyn diirran leh, iyadoo ka tarjumaysay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.
Intii ay socdeen kulamada la xiriiray munaasabadda, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo sare u qaadidda iskaashiga labada dal ee dhinacyada mudnaanta leh, sida ganacsiga, waxbarashada, dhaqaalaha, xoolaha, beeraha iyo amniga ee Soomaaliya iyo Tunisia.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles