Thursday, May 7, 2026

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Burkino Faso

Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Burkina Faso ayaa Xalay kulan gaar ah la yeeshay Hoggaamiyaha guud ee Dowladda Burkina Faso Kabtan Ibrahim Traoré, isagoo la wadaagay farriin rasmi ah oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka siday.
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in booqashadiisu ay qayb ka tahay dadaallada Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
Wasiir Fartaag ayaa sheegay in Burkina Faso iyo Soomaaliya ay wadaagaan caqabado argagixiso, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, tababarrada, is-weydaarsiga xogta sirdoonka iyo wada shaqeynta hay’adaha amniga.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles