Thursday, May 7, 2026

Dad badan oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay bariga Sanaag

Dagaal beeleed khasaare xooggan geystay ayaa ka dhacay deegaanka Laaso oo u dhexeeya deegaannada Carmale iyo Daarasalaam ee bariga gobolka Sanaag.

Dagaalka oo billowday shalay isla markaana socday illaa xalay ayaa la sheegay inuu sababay dhimashada in ka badan 20 ruux iyo dhaawaca tiro intaas ka badan, sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka.

Colaaddan ayaa u dhexeysa laba beelood oo wada dega halkaasi kana tirsan beelaha deegaanka, iyadoo xiisadda ka dhalatay dagaalka ay weli taagan tahay.

Wararka ayaa tilmaamaya in ilaa hadda aysan jirin cid si rasmi ah ugu istaagtay daminta colaadda ama kala dhexgalka labada dhinac, xilli laga cabsi qabo in khasaaraha uu sii kordho.

Dadka deegaanka ayaa ugu baaqaya odayaasha dhaqanka, maamulka iyo dowladda inay si degdeg ah u farageliyaan colaadda si loo joojiyo dhiigga daadanaya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles