Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shirka ereybixinta Tiknoolajiyadda Af Soomaaliga oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda XFS .
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiiro ka tirsan XFS, wasiirada Isgaarsiinta Dowlad Goboleedyada , Bulshada Rayidka, xubno ka socda Akadeemiyadda, bahda Jaamacadaha, shirkadaha Tiknoolajiyadda iyo marti sharaf kale.