Wednesday, January 15, 2025

Ciidanka xoogga dalka & kuwa Jubbaland oo weeraray degaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwa Nabadsugida iyo Booliska oo ay wehlinayeen Ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dagaal ku qaadey Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ee mudooyinkii ugu dambeyey shacabka ku dhibaatanayey jidka dheer ee xiiriya degmooyinka Luuq iyo Doloow ee Gobolka Gedo.

Ciidamada ayaa la wareegey fariisimo Al-Shabaab ay ku lahayeen degaanada Shataaloow,  Aboow iyo laaqeey,  waxaana la sheegay in Xubnaha Al-Shabaab ay aadeen dhinaca degaannada Caracase iyo tuulo baraaqo, sida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Gobolka Gedo Cali Xasan Cabdi oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalka, isaga oo sheegay inay degaano badan la wareegeen.

Degaannada iyo degmooyinka Gobolka Gedo ayaa waxaa intooda badan gacanta ku haaya Ciidamada xoogag dalka Soomaaliyeed, hayeeshee ay jiraan meelaha qaar oo ay maamulaan, halkaas oo dhawaan la fialyo inay ka xorreeyaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles