Wednesday, June 25, 2025

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 shaqada 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐚𝐜𝐮𝐮𝐝𝐢𝐠𝐚.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan oo safar shaqo ku jooga magaalada Riyadh ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo horumarinta Bulshada ee Boqortooyadda Sacuudiga, Mudane Dr. Abdullah bin Nasser Abuthnain.

Kulanka labada wasiir ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga, horumarinta bulshada iyo shaqo abuurka, iyadoo labada dhinac ay isla gaareen in la dedejiyo is-afgaradkii dhowaan dhexmaray labada dal ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga kaas oo ku saabsanaa shaqo-siinta debadda oo hadda meel fiican maraysa.

Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada
Soomaaliya, waxaa ka go’an in ay abuurto jawi shaqo oo waxsoo saar leh iyadoo u kuur gashay in ay dowladaha caalamka ay la gasho heshiishyo labo geesood ah (Bilateral labour agreements).

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles