Wednesday, December 4, 2024

𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐬𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐮𝐠𝐚 𝐜𝐚𝐟𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠 𝐝𝐡𝐚𝐧 𝟏𝟒𝟓.𝟔 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐨𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫.

Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay xarunta safaaradda Faransiiska ee maagaalada Nairobi ayaa waxaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska lagu soo gunaanadayay lacagaha deymaha ah ee lagu lahaa Dowladda Soomaaliya Safiirka Dowladda Faransiiska ee Kenya iyo Soomaaliya Mr. Arnaud Suquet iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige, waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa kulanka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle.

Heshiiskaan ayaa waxa uu soo maray wada-xaajood wajiyo badan lahaa, sidoo kalena dabasocda go’aan kii ay gaareen horaantii sanadkan wadamada ku bahoobay Ururka Paris Club ayaa maanta suuro galiyay in Dowladda Soomaaliya si rasmi ah looga saamaxay deyn dhan $145.6 Milyan oo Doolar taas oo Dowladda Faransiiska ay ka tirtirtay buugeeda deymaha.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Faransiiska, sida garashada leh ee ay u garab istaageen Dowladda Soomaaliya iyo saamaxaada lacagihii ay ku lahaayeed Dowladda.

Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal xoogan ugu jirtaa dhameystirka hannaanka deyn cafinta oo soo gabagaboobay dabayaaqadii 2023-kii, Wasaaradda Maaliyadda XFS oo hormuud u ah wada-xaajoodka shaqsi shaqsiga ah ee Dalalka deymaha leh ayaa hada rajo weyn ka qabta gaba gabeynta hannaanka lagu tirtirayo dhammaan deymaha lagu lee yahay Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles