Waxaa Maanta Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle markii ugu horreysay muddo 32 sano ah kadib ka dhacday doorashada 13 Xubnood oo kamid noqonaya Golaha degaanka magaalada Jowhar.
Munaasabadda doorashada waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo marti sharaf kale, waxaana 13 Xubnood ee la doortay ay qeyb ka yihiin 27 xubnood oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle u diyaarisay Golaha degaanka Magaalada Jowhar.
Qaar kamid ah Xubnihii ku guuleystay kamid noqoshada Golaha degaanka Magaalada Jowhar ayaa mahad celin u jeediyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle iyo cid kasta oo ka caawisay qabsoomida doorashadaan.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa dhankiisa sheegay in Maalinta berito ah la dhameytiri doono Xubnaha ka haray Dhismaha golaha degaanka Magaalada Jowhar.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay cabasho kasoo yeereysay beelaha qaar taas oo la xiriirtay habka loo qeyb saday Xubnaha Golaha degaanka Magaalada Jowhar, balse la xaliyay