Wednesday, June 24, 2026

Wasaaradda gaashaandhigga oo soo dhoweysay warbixinta QM ee carruurta.

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa warbixinta sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay (A/80/723-S/2026/357) ee ku saabsan Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan, taas oo si rasmi ah u xaqiijisay in ururkii Ahlu Sunna Waljamaaca (ASWJ) laga saaray liiska dhinacyada ku lugta leh askaraynta iyo adeegsiga carruurta colaadaha hubeysan. ASWJ, oo muddo ku jirtay lifaaqyada warbixinnada Qaramada Midoobay ee Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan, ayaa laga saaray liiska kadib markii la xaqiijiyay in ururkaasi aanu mar dambe u jirin koox hubeysan oo madaxbannaan, isla markaana xubnihiisii ay ku milmeen hay’adaha amniga Qaranka Soomaaliyeed.

Go’aankan muhiimka ah wuxuu ka tarjumayaa horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dib-u-habeynta hay’adaha amniga, xoojinta dowladnimada iyo hirgelinta waajibaadka la xiriira ilaalinta carruurta. Sidoo kale, wuxuu caddeyn u yahay dadaallada wadajirka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah ee ku aaddan xaqiijinta ilaalinta carruurta xilliyada colaadaha hubeysan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa hormuud ka ahayd dadaalladii iyo wada-hadalladii farsamo ee horseeday dib-u-eegista xaaladda Ahlu Sunna Waljamaaca, iyadoo soo gudbisay codsi rasmi ah oo lagu waafajinayo qiimeynta Qaramada Midoobay iyo xaqiiqooyinka ka jira Soomaaliya. Xaqiijintan waxaa lagu gaaray geeddi-socod dheer oo isugu jiray qiimeyn, daraasayn, xog-ururin, xaqiijin, falanqayn iyo wada-tashiyo ay ka qeyb qaateen hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah. Geeddi-socodkaas ayaa ugu dambeyn caddeeyay in ASWJ aanu hadda ka jirin Soomaaliya koox hubeysan oo madaxbannaan ahaan, isla markaana xubnihiisii ay ku milmeen hay’adaha amniga Qaranka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay uga mahadcelinaysaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Dowlad-goboleedka Galmudug, Qaramada Midoobay, UNICEF, iyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah taageerada, wada-shaqeynta iyo kaalinta ay ka geysteen guushan muhiimka ah. Sidoo kale, Wasaaraddu waxay bogaadinaysaa dhammaan hay’adaha iyo daneeyayaasha Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay qiimeynta, daraasaynta, xog-ururinta, xaqiijinta iyo wada-tashiyada horseeday natiijadan muhiimka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta carruurta, dhowrista xuquuqda aadanaha, hirgelinta Siyaasadda Qaranka ee Ilaalinta Rayidka, iyo dhismaha hay’ado amni oo masuul ah, isla markaana waafaqsan heerarka iyo waajibaadka caalamiga ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles