Dallada Mucaaradka Puntland ayaa Maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa ay kaga hadleen jadwalka doorashooyinka qofka iyo codka ah oo ay soo saareen Guddiga doorashooyinka Puntland.
Warsaxaafadeed ay kulankooda kasoo saareen Dallada Mucaaradka Puntland ayaa waxaa ay ku sheegeen inay nasiib darro tahay in Guddiga doorashooyinka oo markii hore Madaxweyne Saciid Deni uu ku dhisay sharci darro ay soo saaraan jadwalkaas.
Waxaa ay sheegeen in ay nasiib darro tahay in Isimada Dhaqanka Puntland oo kulamo uga socdo Magaalada Garoowe, si looga hadlo hubanti la’aanta doorashooyinka uu soo saaro Go’aan uu ku doonayo in uu mudada ku kororsado, waxaana ay ku baaqeen in meel looga soo wada jeesto Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaadka yahay ee Saciid Cabdullaahi Deni.
Ugu dambeyn Dallada Mucaaradka Puntland waxaa ay shacabka Puntland iyo Beesha Caalamka u sheegeen in wixii amni darro ah ee ka dhasha muddo kororsiga uu qaadan doono Madaxweyne Saciid Deni ayna wadi doonaan la tashida la xiriira sidii ay waqtigeeda ugu dhici laheyd doorashada Puntland.
Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Dallada Mucaaradka Puntland