Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay fadhiga loo dhan yahay ee uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Bangiga Adduunka Ajay Banga, Shirkaan oo loo yaqaano matalaada kooxda 1-aad ee Afrika (World Bank Africa Group 1 Constituency) oo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay waxa uu ka mid yahay labada shir ee ugu muhiim san shirarka Sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka.
Wasiirka ayaa si gaar ah hadal jeedintiisii diiradda ugu saaray muhiimadda ay leedahay sare u qaadidda dakhliga gudaha, horumarinta nidaamka maareynta maamulka maaliyadda iyo hagaajinta hannanka maalgashiga dalka xilli ay jirto duruufo dhaqaale oo caalami ah iyo caqabado ku gadaaman Soomaaliya iyo dunida inteeda kale oo saameeyay ilaha dhaqaalaha.
Fadhiga Bangiga Adduunka ee Matalaada kooxda 1-aad ee Afrika waxaa inta badan lagu falanqeeyaa hannaanka maalgalin ee uu Bangigu siiyo qaaradda, iyada oo Dowladda Soomaaliya na ay ka mid tahay dalalka sida gaarka ah uga faa’idaysta fursadaha maalgalinta iyo mashaariicda horumarineed oo qaarkood hada ay si habsami leh uga soconayaan gudaha Dalka.




