Wasiirka Deegaanka oo sheegay in ay dowladdu ku baraarugsan tahay sidii xal loogu heli lahaa Aafooyinka.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya hadda si weyn ugu baraarugsan tahay aafooyinka iyo sidii xal loogu heli lahaa, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in cilmi-baaris dhab ah ay tahay waddada muhiimka ah ee loo mari karo horumar iyo xal waara.

Wasiirka oo ka hadlay Meertada 3-aad ee Shirweynaha u Adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya (SDRC 2026), oo sanadkan diiradda lagu saarayo “Ka Gudbidda Aafooyinka soo noqnoqda una Gudbidda Adkeysi Waara oo Soomaaliya u Horseeda Mustaqbal Wanaagsan iyo Soo Kabasho Waarta,” ayaa intaa ku daray in isbeddelka cimilladu uu qeyb weyn ka yahay aafooyinka dalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa bogaadiyay Hay’adda SoDMA oo dadaal ugu jirta xal u helidda dhibaatooyinka dalka, isaga oo ku baaqay in shirka ay kasoo baxaan qodobo wax-ku-ool ah oo waddada u xaara xal u helidda caqabadaha dalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles