Monday, October 14, 2024

Wasiirka Deegaanka oo ka qaybgashay shir caalami ah oo looga hadlayo isbedelka cimilada.

Shir heerkisu sareeyo oo looga hadlayay qaxootiga u barakacay isbedelka cimilada ayaa maanta ka dhacay magaalada New York, iyadoo ay ka soo qaybgaleen madax iyo wakiilo caalami ah. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS, Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedisay shirkan, iyadoo sheegtay in Soomaaliya ay wajahday dhibaatooyin ka dhashay isbedelka cimilada.

Wasiirka ayaa tilmaantay in 4 milyan oo qof oo Soomaali ah ay gudaha dalkooda ku barakaceen, iyagoo wajahaya xaalado adag oo ay keeneen abaaro daba dheeraaday iyo fatahaado. Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqday in haddii aan si degdeg ah loo wajihin, tirada dadka barakacaya ay kor u dhaafi doonaan 7 milyan oo qof sanadka 2050.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay taageeraan mashaariicda gacan weyn ka geysanaya la tacaalidda caqabadaha isbedelka cimilada. Waxaa la wada dareensan yahay in Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto iskaashiga caalamiga ah, si loo xoojiyo ka jawaabidda dhibaatooyinka cimilada, iyadoo ay muhiim tahay in la ilaaliyo xuquuqda dadka ay saameysay cimiladu.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles