Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa si rasmi ah u daahfurey Munaasabadda Ololaha wax ka qabashada xaaladda Kansarka Soomaaliya.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Xildhibaana ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaarka Soomaaliya, Safiiro xubno ka socdey Heyβadaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka oo ay ka mid yihiin Heyβadda Caafimaadka aduunka ee WHO, Heyβadda King Salam, Qatar Charity, Tika agaasimayaal iyo howl wadeeno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka XFS, Dhakhaatiir aqoon yahan iyo marti sharaf kale.
Madasha oo aheyd mid heerkeedu aad u sarreeyey waxaa lagu gorfeeyey xaaladda Kanasarka ee dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa, maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada muwaadiniinteedu qaar mid ah ay la daalaa dhacayaan xanuunkan sanad kastana uu sii kordhayo tirada dadka uu saameeyo xanuunka oo si guud dunida farabaβan uga haya.
Intii ay socotey Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigey daraasado tilmaamayey heerarka kala duwan ee uu marayo guud ahaan dalka, dhamaan khubaradii Madasha ka hadashey ayaa tibaaxey in la gaarey xilligii saxda ahaa ee loo istaagi lahaa wax ka qabashada xaaladda Kansarka.
Munaasabadda waxaa soo qaban qaabisey Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Barnaamijka Cudurada aan faafin ee (NCD).