Saturday, June 21, 2025

Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay saameynta ka dhalatay deeqihii istaagay ee USAID.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan looga hadlay xaaladaha bani’aadannimo ee dalka la qaatay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay, ahna iskuduwaha howlaha bani’aadamnimada ee Soomaaliya Md. George Conway.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray saameynta ka dhalatay deeqihii istaagay ee USAID ee dhanka howlaha bani’aadannimada, abaaraha dalka ka taagan, diyaargarowga jira, mudnaansiinta howlgallada bani’aadannimo ee qorsheysan, dib-u-eegisyada lagama maarmaanka ah iyo tallaabooyinka xiga.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay sidii gargaar deg-deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay dagaallada ka socda degaannada Puntland ee ka dhanka argagaxiada Daacish, xoojinta wadashaqeynta dowladda iyo hay’adaha gargaarka iyo in la helo qorshe lagu gaari karo dadka deggan goobaha fog, si looga hortago barakac hor leh.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles