Tuesday, April 28, 2026

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo booqday safaaradda dalkeena ee Cumaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Cumaan, intii uu ku guda jiray safarkiisa rasmiga ah ee uu ku tagay Saldanada Cumaan, halkaas waxaa ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Cumaan, Mudane Bashiir Xasan Xaaji.

Intii uu wasiirka ku guda jiray booqashada, waxa uu la kulmay shaqaalaha safaaradda, waxa uu dib u eegis ku sameeyay howlaha diblomaasiyadeed iyo adeegyada qunsuliyadeed, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda, isla markaana ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista hufnaanta, xirfadda, iyo bixinta adeegyo waqtigooda ku habboon oo loo fidiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiir Cabsisalaan waxa uu faray in la sameeyo horumarin gaar ah oo ku saabsan xaaladaha shaqada, iyo heerarka adeegyada, taas oo qayb ka ah ajandaha ballaaran ee Wasaaradda kaas oo lagu casriyeynayo safaaradaha Soomaaliya, si ay u matalaan danaha qaranka isla markaana u bixiyaan adeegyo la isku halayn karo oo diiradda saaraya muwaadiniinta ku nool dalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles