Kabtanka kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa qirtay in aan wax horumar ah laga samayn wadahadaladii heshiis kordhinta.
Van Dijk ayaa Ka mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan kooxda tan ilaa markii uu 75 milyan oo euro ugu soo biiray kooxda sanadkii 2018.
Xiddiga reer Holland ayaa u saftay Reds 270 kulan oo tartan ah isaga oo kooxda ka caawiyay in ay ku guulaysteen Premier League, Champions League FA Cup, UEFA Super Cup, FIFA Club World Cup iyo laba EFL Cups.
Inkasta oo uu qayb muhiim ah ka yahay kooxda Liverpool, haddana waxaa jirta hubaal la’aan ku hareeraysan mustaqbalka fog ee Van Dijk ee kooxda Merseyside
Markii wax laga weydiiyay wadahadalada qandaraas kordhinta ka dib ciyaarti saaxiibtinimo ee Sevilla, Van Dijk ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Ma jiraan wax isbedel ah hadda.”