Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa magaalada Cabudwaaq ka dhagax-dhigay xero ciidan oo ay leedahay Hay’adda NISA.
Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa qayb ka ahaa munaasabadda dhagax-dhigga xerada Ciidanka NISA ee Caabudwaaq.
Taliye Mahad Salaad oo safar shaqo ku jooga magaalada Caabudwaaq ayaa kulamo wadatashi ah oo lagu xoojinayo amniga iyo nabadda deegaannada waqooyiga Galgaduud la qaatay masuuliyiinta dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.




