Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryam Qaasim oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maxamed Haaruun , Agaasimaha guud ee Guddiga Mustafe Axmed iyo komishineerada Guddiga .
Kullan gaar ah oo labada dhinac dhexmaray ayaa looga hadlay wada-shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Boliiska iyo Guddiga ,gaar ahaan dhinacyada ilaalinta xuquuqda aadanaha, isla-xisaabtanka, qabashada cabashooyinka, kormeeridda xaaladaha xabsiyada iyo goobaha dadka lagu hayo, si loo xoojiyo ilaalinta xuquuqda muwaaddiniinta iyadoo la dhowrayo xuquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga.




