Wednesday, February 12, 2025

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo kormeeray Ciidan tababar ku qaadanayo Xerada Ciidanka Birmadka ee Boliiska.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xerada Ciidanka Birmadka Boliiska ku kormeeray Ciidamo Tababar uga socdo xeradaa.

Saraakiisha Hogaanka u haysa Ciidamada Tababarku u socdo oo ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Birmadka Boliiska G/le Daahir Maxamed Tuuryare ayaa Taliyaha soo dhaweeyey waxaana uu salaan sharaf ka qaatay Kooxda Baanda Muusikada iyo Ciidamada katirsan Birmadka Boliiska ee la Tababarayo .

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sheegay in Ciidamadan qeyb ka noqonayaan xoojinta Amniga Dalka ,isagoona kula dardaarmay in si wanagsan uga faa’ideystaan Tababarka .

 

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles