Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo kormeer shaqo ku tegay Taliska Xero Maslax ee CXD.

Taliyaha Ciidanka XDS Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska Xero Maslax ee Ciidanka XDS, si uu ugu kuurgalo xaaladda taliska, howlaha ay ciidamadu ka wadaan xerada iyo heerka u diyaargarowgooda.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd u kuurgelidda xaaladda Taliska iyo ciidamada ka howlgala Xerada Maslax, iyo sidoo kale qiimeynta baahiyaha jira iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo tayada shaqada, tayeynta ciidamada iyo kor u qaadidda hufnaanta howlgalka.

Taliyaha Ciidanka XDS waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay G/le Cabdullaahi Cismaan Jimcaal, Taliyaha Guutada 73-aad MP XDS, oo warbixin ka siiyay xaaladda guud ee taliska, howlaha socda iyo guulaha laga gaaray gudashada waajibaadka ciidamada.

Kormeerka waxaa qayb ka ahaa Taliyaha Taliska Taakuleynta Ciidanka XDS, qaar ka mid ah madaxda hoggaamada Taliska Guud ee Ciidanka XDS iyo saraakiil kale oo katirsan Ciidanka XDS.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles