Monday, February 10, 2025

Taliyaha Boliiska oo qaabilay Saraakiil soo dhameystay waxbarashada heerka labaad.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Saraakiil kasoo qalin jabiyey waxbarashada heerka labaad (Master Degree) oo dalka Dibadiisa ku maqnaa.

Hogaanka Qorshaha iyo Tababarada ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn Taliyaha Warbixin ka siiyey soo laabashada Saraakiishan, waxaana ay xaqiijiyeen xafiis ahaan in si wanagsan uga faa’iideysteen fursadda waxbarasho ee dalka dibadiisa ugu maqnaayeen mudada dheer.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Saraakiisha soo dhameysatay Waxbarashada Hambalyo iyo Bogaadin la wadaagay , waxaana uu qiray in soo laabashadoodu ku soo aaday xilli loo baahnaa qeybna ka noqonayaan qorshaha horumarinta Ciidanka Booliiska si looga faa’ideysto aqoonta ay soo barteen.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles