Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Balcad, ayaa si kulul u beeniyay warar maalmihii u dambeeyay la isla dhexmarayay oo ku saabsanaa faragelin dibadeed iyo shir la sheegay inuu 13-ka May 2026 ka dhici doono magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa caddeeyay inaysan jirin wax faragelin ah oo ka imaaneysa Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, isla markaana aysan jirin wax diyaar-garow ah oo ku saabsan shirkaasi la hadal hayay.
“Wararka laga faafinayo arrintaas waxba kama jiraan, mana jiro shir noocaas ah oo qorshaysan,” ayuu yiri wasiirku, isaga oo meesha ka saaray wararka sheegaya in safaaraddu door ku leedahay abaabulka kulamo siyaasadeed oo xasaasi ah.
Dhanka kale, wasiirka ayaa eedeyn culus u jeediyay qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo ku tilmaamay inay qaateen hab-dhaqankii hogaamiye-kooxeedyadii hore ee dalka kusoo hoggaamiyay burburka iyo xasillooni darrada.
Wuxuu sheegay in xubno ka tirsan mucaaradka ay warqado u direen hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, sida Sanduuqa Lacagta Adduunka [IMF] Iyo Bankiga Adduunka {World Bank} iyagoo ka codsanaya in cadaadis la saaro dowladda Soomaaliya, islamarkaana dib loo eego taageerada dhaqaale ee la siiyo dalka.
Sida uu sheegay, qaar kamid ah warqadahaasi waxaa si gaar ah loogu dalbaday in la hakiyo ama la yareeyo deeqaha iyo barnaamijyada taageerada dhaqaale ee Soomaaliya ka hesho hay’adaha caalamiga ah.
Wasiirku wuxuu arrintaasi ku tilmaamay tallaabo ka dhan ah danaha qaranka, isagoo sheegay in mucaaradku ay doorbideen dano siyaasadeed oo gaar ah halkii ay ilaalin lahaayeen horumarka dhaqaale iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda.
“Waxay tani dib u xusuusinaysaa dhaqamadii hogaamiye-kooxeedyadii hore, kuwaas oo mar walba danahooda siyaasadeed ka hormarin jiray maslaxadda shacabka iyo dowladnimada dalka,” ayuu yiri.
Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo loollanka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan muranka la xiriira doorashooyinka iyo eedeymaha is-daba jooga ah ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.
Ilaa iyo hadda, mucaaradka si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymaha dowladda ee ku saabsan inay codsadeen in Soomaaliya laga jaro taageerada caalamiga ah.




