Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyay kulan deg deg ah oo Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle ay ku yeesheen degmada Balcad.
Kulanka ayaa warbixin looga dhageystay Wasiirrada Wasaarradaha Amniga iyo Maaliyadda.
Ugu horreyn Wasiirka Wasaarrada Amniga ayaa ka hadlay xaaladdaha Amniga ee Dowladda Hirshabeelle waxana uu sheegay weli inuu socdo baacsiga Khawaarijta.
Sidoo kale Wasiirka Wasaarrada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaallaha Dowladda Hirshabeelle ayaa Golaha u soo gudbiyay Xeerka Qoondeynta Miisaaniyadda 2025-ka.
Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle ayaa ansixiyay miisaaniyadda 2025-ka oo filashadeeda tahay 33,557,830.37 oo Dollar.
“Sannadka soo socda waxaan kordhineynaa shaqallaha rayidka Dowladda Hirshabeelle. Howgalka xorreynta deegaanada Hirshabeelle ayaa marayo meel wanaagsan.”
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ku ammaanay Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle wada-shaqeynta iyo wadajirka waxana uu tilmaamay intaasi ay horseeday guullaha la gaaray.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay maamulka degmada Balcad martigelinta shirka Golaha Wasiirrada ee Dowladda Hirshabeelle.