Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya, Mudane Kamaal Guutaale iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xamza Aadan Haadow, ayaa maanta si wadajir ah u guddoomiyey shir ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha XFS, kaas oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, si loo xoojiyo isku duwidda iyo wada shaqeynta ka dhexeysa wasaaradaha dowladda.
Mudane Xamza Aadan Haadow ayaa Agaasimayaasha Guud ku soo dhoweeyey kulanka, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta iyo isuduwidda hay’adaha dowladda.
Intii uu socday kulanka, Agaasimaha Waaxda Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatax, ayaa jeediyey bandhig ku saabsan hab-maamuuska diblomaasiyadda.
Bandhigga ayaa iftiimiyey waajibaadka Wasaaradda ee isku duwidda xiriirrada dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay in la dhowro habraacyada diblomaasiyadeed ee lagu dhaqmo marka lala macaamilayo dowladaha shisheeye iyo hay’adaha caalamiga ah.
Agaasimayaasha Guud ee wasaaradihii ka soo qayb galay kulanka ayaa soo dhaweeyey bandhigga, iyagoo oo sheegay sida ay uga go’an tahay la hoggaansanaanta habraacyadaas diblomaasiyadeed marka la fulinayo hawlaha rasmiga ah ee dowladda.




