Friday, May 8, 2026

Shiinaha oo dil ku xukumay laba wasiir oo hore u soo qabtay gaashaandhigga dalkaasi

Sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda Shiinaha, laba wasiir oo hore u soo qabtay gaashaandhigga dalkaas ayaa lagu xukumay dil kaddib markii lagu helay dambiyo la xidhiidha musuqmaasuq iyo laaluush qaadasho.
Wei Fenghe iyo Li Shangfu, oo lagu maxkamadeeyay maxkamad millitari oo ku taal Shiinaha, ayaa Khamiistii lagu xukumay dil, inkasta oo laba sano la hakiyay.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Xinhua, tani waxay ka dhigan tahay in xukunkooda dilka ah laba sano kadib loo beddeli doono xabsi daa’in, iyada oo aanay jirin wax suurtagal ah oo lagu yareeyo ciqaabta ama lagu sii daayo sii-dayn cafis dawladeed.
Labadoodaba waxaa lagu helay dambiga laaluush qaadasho, waxaana lala wareegay dhammaan hantidoodii gaarka ahayd.
Warka ku saabsan xukunkan ayaa yimid kaddib markii dhawaan xilalka laga qaaday dhowr sarkaal oo sare oo millitariga Shiinaha ah, xilli ay socdaan ololeyaal ballaadhan oo ka dhan ah musuqmaasuqa.
ei Fenghe wuxuu ahaa wasiirka gaashaandhigga laga soo bilaabo 2018 ilaa 2023, waxaana bishii Maarso 2023 xilka kala wareegay Li Shangfu.
Muddadii uu Li Shangfu xilka hayay waxay ahayd mid aad u gaaban.
Waxaa xilka laga qaaday bishii Oktoobar 2023, laba bilood kaddib markii uu si lama filaan ah uga dhex baxay fagaaraha dadweynaha.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles