Sheekh Shariif oo DF ku eedeeyay duqeyntii lala beegsaday guriga Taliye Mahad ee Doolow.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa war kasoo saaray weerarkii xalay ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo, kaas oo lagu beegsaday hoyga uu halkaasi ka degan yahay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan. Somaliculture resources

Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka, isagoo sheegay in nidaamka uu muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si cad ugu bareeray shirqoolo siyaasadeed, isaga oo dhacdada Doolow ku tilmaamay duullaan dhinaca cirka ah oo lagu qaaday hoyga Janaraal Mahad Cabdiraxmaan.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in weerarka uu ahaa fal-dambiyeed abaabulan oo loogu talagalay in lagu khaarajiyo Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale ku tilmaamay dhacdada mid nasiib-darro ah oo khatar ku ah dowladnimada iyo xasilloonida dalka.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerarka, isagoo tacsi u diray dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay, isla markaana ka digay in la sii wado tallaabooyin noocan oo kale ah oo uu sheegay inay horseedi karaan dhaawac ku yimaada midnimada bulshada iyo kalsoonida ay shacabka ku qabaan hay’adaha amniga.

Ugu dambeyn, Sheekh Shariif wuxuu hay’adaha amniga qaranka ugu baaqay inay ka fogaadaan ku lug yeelashada arrimaha siyaasadda, isagoo sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad halis ah, loona baahan yahay in hay’adaha amnigu ilaaliyaan dhexdhexaadnimadooda. Somaliculture resources

Hadalkan Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowladda Federaalka ay sheegtay in dhacdadii Doolow aysan ahayn duqeyn ay iyadu fulisay, balse ay tilmaantay in uu ahaa qarax gudaha ah, iyadoo sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso sida ay wax u dhaceen.

Wararka iyo eedeymaha ku saabsan cidda ka dambeysay dhacdada ayaa sidaas darteed weli ah kuwo ay dhinacyadu si kala duwan uga hadlayaan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles