Sunday, May 10, 2026

Shacabka Koofur Galbeed oo saaka doorasho u dareeray

Deegaannada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa saakay looga dareeray doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada, kuwaas oo loo arko kuwo taariikhi ah kadib in ka badan 58 sano oo aysan doorashooyin noocaan ah ka dhicin deegaanada maamulkaas.
Goobaha codbixinta ee laga furay 13 degmo ayaa waxaa si weyn ugu qulqulayay shacabka doonaya inay codkooda dhiibtaan, iyadoo la arkayay safaf dhaadheer oo ay sameynayeen dadweynaha ka qeyb qaadanaya doorashada.
Doorashada Golaha Wakiillada ayaa waxaa ku tartamaya 15 urur siyaasadeed iyo in ka badan 300 oo musharrax, halka doorashada goleyaasha deegaanka ay ku loolamayaan 18 urur siyaasadeed iyo in ka badan 1,200 oo musharrax.
Mas’uuliyiinta maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in doorashadani ay tahay tallaabo muhiim u ah hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed iyo in shacabka ay si toos ah uga qeyb qaataan aayaha siyaasadeed ee deegaanadooda.
Amniga goobaha codbixinta ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo badqabka codbixiyeyaasha iyo habsami u socodka doorashada.
Doorashadan ayaa indhaha siyaasadda Soomaaliya si weyn loogu hayaa, maadaama ay qeyb ka tahay dadaallada lagu hirgelinayo nidaamka qof iyo cod ee dalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles