Saturday, December 14, 2024

Saraakiil iyo ciidan loo xiray Weerarkii Xeebta Liido iyo baaris ku socota

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay saraakiil iyo ciidamo kuwa ammaanka katirsan , kuwaa oo lagu tuhmayo in ay fududeeyeen weerarkii habeen hore lagu qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha iyo ciidamada la xiray ayaa ku sugnaa baraha koontarool ee laga galo xeebta Liido, waxaana wax laga weediinayaa sida ay ku gudbeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo rag hubeysan oo katirsan Al Shabaab oo weerar ka geestay xeebta Liido.

Baaritaanno ayaana ku socda saraakiisha iyo ciidamada ammaanka ee la xiray, waxaana dib loo baaray kaamirooyinka CCTV ee ku xiran waddooyinka laga soo galo xeebta Liido, kuwaa oo laga ogaanayo waddooyinka ay soo mareen ragga weerarka geestay iyo sida fudud ay ku gudbeen.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay  sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii iyo ciidankii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xiran yihiin.

Weerarka xubno katirsan Al Shabaab ka fuliyeen xeebta Liido ayaa lagu dilay dad ku dhaw 40-qof , halka sidoo kale ku dhaawacmeen dad ka badan 200-qof, waxa uuna weerarkan noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee dhaca labadii sanno ee Xasan Sheekh talada dalka hayay.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles