Sunday, June 14, 2026

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax Sheekh Axmed Cabdulmanaan, ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Madaxtooyada Liibiya, Mudane Maxamed Al-Menfi.

Gudbinta warqadaha aqoonsiga ayaa si rasmi ah u astaan ah bilowga waajibaadka diblomaasiyadeed ee safiirka, waxayna muujinaysaa sida ay Soomaaliya iyo Liibiya uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha Golaha Madaxtooyada gaarsiiyay salaanta iyo bogaadinta hoggaanka Soomaaliya, isaga oo caddeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo xoojinta wada shaqeynta labada dal ee walaalaha ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles