Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Kuwait, Dr. Ambassador Cabdullahi Maxamed Sheekh Cabdullahi ayaa maanta oo Arbaca ah waxaa nuqul ka mida waraaqihiisa danjirenimo ka guddoomay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Cabdullaahi Al-yaxya.
Safiirka ayaa u gudbiyey madaxda dalka aanu walaalaha ee Kuwait fariinta salaam ah oo uu ka siday madaxda uga sareysa ee dalka Soomaaliya sida Madaxweynaha, ra’isul-wasaaraha iyo wasiirka arrimaha dibadda.
Intaa ka dib waxa ay labada dhinac ay is dhaafsadeen wada-hadalo mira dhal ah oo la xiriira soo dhaweyn, xoojinta xiriirka labada dal oo dhinac badan leh.