Wednesday, February 12, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Haweenka Ololaha Hooyo u hiilli Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kula yeeshay Haweenka Ololaha Hooyo u hiilli Qaranka kulan looga hadlay kaalinta ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta iyo wacyigelinta bulshada ee hirgelinta doorasho qof iyo cod oo laga bilaabi doono gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku bogaadiyey Haweenka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaateen difaaca dalka, sugidda amniga— garab istaagga ciidamadda qalabka sida, xallinta khilaafaadka, horumarka dalka iyo dowlad dhiska Soomaaliya.
“Haweenka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa doorka ay ka qaateen dagaalka Khawaarijta dalka looga sifeynayo, aniga oo u qiraya kaalinta ay ku leeyihiin dhiirrigelinta ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, taas oo ah mid muuqata oo muhiim u ah dib-u xoreynta dalkeenna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey haweenkii uu la kulmay.
Mudane Xamsa, ayaa xusay in haweenka Soomaaliyeed laga doonayo waqtigan in si wadajir ah loo hirgeliyo hiigsiga Qarankeenna, si aynu uga dhabayno Soomaaliya nabad ah, xasilloon, oo horumar waara gaarta.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles