Friday, June 5, 2026

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay guddiga qabanqaabada xuska maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana gudanaya mas’uuliyadda dowladda ka saaran xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada dalka, waxa uu magacaabay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ee sanad-guuradii 66-aad ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo 1960.

Guddigan ayaa mas’uul ka noqon doona diyaarinta, isku-dubbaridka iyo hirgelinta munaasabadaha lagu xusayo maalmaha taariikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya. Waajibaadyada kale ee guddiga waxaa ka mid ah xiriirinta hey’adaha dowladda iyo dhammaan dhinacyada kale ee ka qeyb qaadanaya dabaaldegyada, jaangoynta iyo maareynta kharashaadka ku baxaya xuska, magacaabista guddi heer farsamo ah oo abaabula munaasabadaha kala duwan, iyo sugidda amniga goobaha lagu qabanayo xafladaha iyo munaasabadaha la xiriira xuska.

Xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ayaa kala ah:

Wasiir Cali Yuusuf Cali (Xoosh) – Guddoomiye
Wasiir Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) – Xubin
Wasiir Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) – Xubin
Wasiir Khadiijo Maxamed Al-Makhzuumi – Xubin
Wasiir Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) – Xubin
Wasiir Axmed Macalin Fiqi – Xubin
Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud – Xubin
Wasiir Maxamed Cabdiqaadir Cali – Xubin
Wasiiru Dowlaha Xirsi Jaamac Gaani – Xubin
Wasiiru Dowlaha Maxamed Cali Xagaa – Xubin
Wasiiru Dowlaha Nuura Mustaf Guudoow – Xubin
Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) – Xubin
Agaasime Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Boolbool) – Xoghaye
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa guddiga faray in ay si dhow uga shaqeeyaan diyaarinta munaasabadaha xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada, si loo muujiyo qiimaha taariikheed ee maalmahan, loona xoojiyo dareenka waddaniyadda, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles