Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa magacaabay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.
Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.
Yuusuf Cabdiraxmaan Samatar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.
Maxamed Bashiir Cumar, ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
Cabdullaahi Jamaal Maxamed, ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.