Thursday, July 2, 2026

Puntland oo mamnuucday shirar siyaasadeed oo ka dhan ah Deni in lagu qabto Gaalkacyo.

Maamulka Puntland ayaa mamnuucay qabashada shirar siyaasadeed oo aan fasax rasmi ah haysan gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, xilli halkaasi ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta mucaaradad ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

War ka soo baxay Maamulka Gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in la joojiyay shir kasta oo siyaasadeed oo aan oggolaansho rasmi ah ka haysan maamulka gobolka, iyadoo go’aankaasi lagu sababeeyay ilaalinta amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta gobolka.

“Maamulka Gobolka Mudug wuxuu bulshada ku wargelinayaa in la mamnuucay qabashada shirar siyaasadeed oo aan fasax rasmi ah ka haysan Maamulka Gobolka Mudug. Go’aankan waxaa loo soo saaray ilaalinta amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta gobolka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, maamulka ayaa faray hay’adaha amniga, maamullada degmooyinka iyo dhammaan hoteellada ku yaalla gobolka inay si buuxda u dhaqan-geliyaan awaamiirta ku xusan go’aanka cusub.

Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli saaka odayaal dhaqameed ku sugan Gaalkacyo ay qorsheynayeen shir looga soo horjeedo xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Odayaashan ayaa la sheegay inay taageersan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha la xiriira in ciidamo laga qoro deegaannada Puntland. EastAfrica News

Wararka laga helayo Gaalkacyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Saciid Deni uu haatan wajahayo mucaaradad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa, gaar ahaan gobolka Mudug, halkaas oo odayaal dhaqameed iyo qaybo ka mid ah bulshada ay si cad u muujiyeen mowqif ka duwan kan maamulka Puntland.

Tallaabadan ay Puntland ku mamnuucday shirarka siyaasadeed ayaa loo arkaa mid muujinaysa heerka uu gaaray khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Gaalkacyo, xilli ay isa soo tarayaan wararka la xiriira loollanka u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles