Wednesday, February 19, 2025

Puntland oo Khuburo ciidan u dirtay furimaha dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Puntland ayaa furimaha hore ee Calmiskaad oo ay ciidamadeedu kula dagaalamayaan kooxda Daacish waxay u dirtay khuburo ciidan, si ay u dajiyaan istiraatiijiyada wajiga ugu dambeeya ee dagaalka.

Saraakiisha la geeyay furimaha waxaa kamid ah Gen. Maxamed Xirsi Moogan, oo horey uga tirsanaan jiray saraakiishii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Gen. Bashiir Ameerika, taliyihii hore ee ciidanka booliiska Soomaaliya, iyo khuburo kale oo dhanka amniga.

Ujeeddada safarka saraakiishan ayaa lagu sheegay in ay tahay yareynta khasaaraha ciidanka Puntland kasoo gaaraya dagaalka Daacish, maaddaama ay Puntland horey dagaalkan ugu weyday in ka badan 100 askari iyo saraakiil dhowr ah.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay saraakiishan oo dajinaya qorshaha dagaalka, taasoo muujinaysa diyaar garowga wajiga ugu dambeeya ee howlgalkan.

Si kastaba ahaatee, Puntland ayaa saraakiil badan oo dhalinyaro ah ku weyday dagaalka Daacish, qaar kalena way ku dhaawacmeen.

Saraakiisha ay Puntland dagaalka Daacish ku weyday waxaa kamid ah, Gaashaale sare Mukhtaar Gaagaale iyo Kornayl Farxaan Xareed, kuwaas oo safka hore uga jiray dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saraakiil uu kamid yahay Gen. Fu’aad Xanaano iyo taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta Puntland S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles