Saturday, September 14, 2024

Ciidamada dowlada iyo Alshabaab oo dagaal ku dhex maray duleedka degmada Balcad

Weerar ku bilowday qaraxyo ayaa saaka waaberigii kooxda Alshabaab waxaa ay ku qaadeen saldhiga ciidamada Raaxoy ee duleedka degmada Balcad gobolka Sh/dhexe.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal xoog leh uu ka dhacay halkaas iyadoo uujiro qasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Waxaa halkaas gaaray ciidamo gurmad ah oo ka tegey deegaanka Qalimow iyo degmada Balcad balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhasahay dagaalkan.

Saldhigga ciidamada Raaxoy ayaa waxaa gacanta ku haya haatan oo ku sugan ciidamada milatariga Soomaaliya ee hore ugu sugnaa.

Waxaa saldhiggan , waxaa hore ugu sugnaa ciidamo ka tirsan ATMIS waxaana lagu wareejiyay dhawaan ciidamo Milatari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles