Monday, June 29, 2026

MW Xasan Sheekh oo kullan mira-dhal ah la qaatay Abiy Ahmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku jooga dalka Itoobiya, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Ahmed.
Kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarka, iyo sidii labada dal ay uga wada shaqeyn lahaayeen xasilloonida iyo arrimaha istiraatiijiga ah ee gobolka Geeska Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay guusha uu xisbigiisu ka soo hooyay doorashooyinkii ka dhacay dalka Itoobiya, isaga oo u rajeeyay sii ambaqaadidda dadaallada horumarineed iyo xasilloonida dalkaasi.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles