Wednesday, May 27, 2026

MW Xasan Sheekh iyo Boqolaal dadweynaha oo salaada ciida ku tukaday Masjidka Isbaheysiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo, Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo, isaga oo Alle uga baryay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu ku manneysto nabad, barwaaqo iyo horumar waara.

“Kama tageyno in marwaliba aynu is xusuusinno dhaqamada wanaagsan ee la sameeyo maalintan oo kale. Waxaa muhiim ah in aan xoojino midnimadeenna, iskaashiga iyo taageerada bulshada dhexdeeda si loo gaaro Soomaaliya nabdoon oo horumarsan”.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in geeddiga dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed uu marayo marxalad taariikhiga ah oo ay go’aankiisa garwadeen ka yihiin muwaadiniinta soomaaliyeed, waxa uuna adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada, wadajirka bulshada, is caawinta iyo garab istaagga dadka nugul, si loo xaqiijiyo Soomaaliya si dhammeystiran markale cagaheeda ugu istaagta.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles