Monday, February 10, 2025

MW Cali guudlaawe oo Daah-furay Mashruuc muhiim u ah bulshada hirshabelle.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Gudlaawe) oo ay wehliyaan Wasiirrada shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya iyo Hirshabeelle Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan iyo Cabdifataax Xasan Faarax ayaa daah-furay mashruuca daryeelka bulshada nugul qeybtiisa 2-aad.
Mashruucan ayaa loogu talogalay carruurta yar yar iyo hooyada uurka leh waxana uu ka hirgeli doonaa guud ahaan Hirshabeelle iyadoo iska kaashanayaan Dowladda Soomaaliya, Hirshabeelle, UNICEF iyo DRC.
“Carruurta iyo Hooyada waa kuwa ugu nugul ee maanta garabka u baahan. Mashruucan aan daah-furay waxaan rajeynaa inuu si siman u gaaro haddii uu Alle idmo.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dhinacyada kasoo shaqeeyay hirgelinta mashruuca lagu taageerayo bulshada nugul oo ay ka faa’ideysan doonaan 5,750 qoys waxana uu socon doonaa muddo 3-sanno ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles