Magaalada Muqdisho waxa maanta ka furmay Munaasabadda saxiixa heshiiska iskaashi ee Hay’adda NIRA iyo Midowga Bangiyada Soomaaliya.
Munaasabadda waxa kasoo qayb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Cali Yusuf Xoosh, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyada Maxamed Soomaali iyo mas’uulyiin kale oo ka socotay hay’adaha dowladda.
Heshiiskan ayaa qayb muhiima ka qaadan doona dadaallada lagu horumarinayo dhaqangelinta nidaamka aqoonsiga Qaranka, isaga oo diiradda saaraya isku xirka nidaamka aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada Bangi ee dalka.