Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi ah ugu eg muddo-xileedkii afarta sano ahaa ee loo doortay, iyadoo arrintan ay dhalisay muran siyaasadeed oo xooggan.
14-kii April 2022 ayaa la dhaariyey xubnaha labada gole ee Baarlamaanka, taas oo ka dhigeysa in maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka April 2026 ay si sharci ah u dhammaatay muddo xil heyntooda—Guddoon, Xildhibaano iyo Senatorroba.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna ay u harsan tahay muddo ku dhow hal bil, inkasta oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan meelmarisay dastuur cusub oo muran badan dhaliyay, kaas oo dhigaya in muddo-xileedka hay’adaha dowladda laga dhigo shan sano.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa horey u sheegay in Baarlamaanka uu sii shaqeyn doono iyadoo lagu saleynayo dastuurka cusub, taas oo sii hurisay doodda sharciyadeed ee taagan.
Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka oo ay garab taagan yihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa si cad u diidan aragtidaas, iyagoo ku doodaya in Baarlamaanka waqtigiisii si rasmi ah u dhammaaday, isla markaana ay arrintan la wadaagayaan beesha caalamka si cadaadis loo saaro dowladda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhinaceeda ku mashquulsan qabashada doorashooyinka dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle, iyadoo dooneysa in ay muujiso in dalka laga qaban karo doorashooyin toos ah oo heer qaran ah.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in mucaaradku, inkasta oo uu hoos u dhacay dhaq-dhaqaaqoodii hore, ay hadda qorsheynayaan kacdoonno siyaasadeed oo ka bilaabma Muqdisho, kadibna ay shir ku yeeshaan magaalada Gaalkacyo toddobaadyada soo socda.
Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa u muuqata mid sii kululeysaneysa, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafkan uu sababo xasillooni darro hor leh haddii aan xal laga gaarin.




