Thursday, December 26, 2024

Mucaaradka Jubbaland oo ka horyimid guddiga doorashada ee uu Axmed Madoobe magacaabay.

Qaar kamid ah mucaaradka Jubbaland ayaa ku hanjabay in ay qaban doonaan doorasho hal dhinac ah, kaddib markii ay ka hor yimaadeen guddiga doorashada Jubbaland.

Mucaaradka ayaa ku gacan seyray magacaabista madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu Sabtidii ku magacaabay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka (IBEC) oo ka kooban 7 xubnood.

Waxay su’aal galiyeen kalsoonida uu guddigan ku maamuli karo doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka ee lagu wado inay dhacdo dabayaaqada 2024-ka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu kala tashaday madaxweyne ku xigeenada Jubaland magacaabista guddigan oo ka kooban 7 xubnood.

C/llaahi Cali oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Jubbaland, horeyna qaxooti uga soo noqday dalka Kenya ayaa sheegay in madaxweynaha uusan awood u laheyn inuu soo magacaabo mas’uuliyiinta guddiga doorashada..

“Habka lagu soo xulayo guddigan doorashada gabi ahaanba waa hal dhinac, iyadoo aan la tixgalin baahida loo qabo wada tashi ballaaran iyo daah-furnaan, mucaaradku waa inay xaq u leeyihiin inay soo magacaabaan in ka badan 50 boqolkiiba xubnaha guddiga doorashada si loo helo matalaad isku dheeli tiran,” ayuu yiri C/llaahi Cali.

Waxa uu sheegay in  habka uu u dhaqmayo Madoobe ay meesha ka saartay kalsoonidii lagu qabay hannaankan.

Si kastaba ha ahaatee, barlamaanka Jubbaland ayaa meel mariyay guddigan la magacaabay, kuwaas oo shalay iska dhex doortay guddoo hoggaamiya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles