Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in digniinta seeriga ee ka diga gantaallada soo socda ay ka dhawaqeen agagaarka deegaanka Haifa, iyadoo ugu yaraan hal “jug” ay ku dhacday meel bannaan ah.
Xisbullah ayaa marar badan bartilmaameedsatay Haifa, oo ah magaalo deked ah oo ay ku nool yihiin rubuc milyan qof.
Toddobaadkii hore, gantaallo ayaa lagu garaacay magaalada, waana dhacdadii ugu horreysay ee noocan ah tan iyo dagaalkii Israa’iil iyo Lubnaan ee 2006-dii.
Xalay, afar askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla Binyamina, oo 20 mayl u jirta koonfurta Haifa.